Iska Baadh Koronafayras

COVID-19 (cudarka loo yaqaanay Nooval Koronavirus) waa nooc cusub ee feyras kamid ah, waxuuna u faafaa qof ilaa qof. Cudarkaan mareykanka iyo dalal kale oo badan ayaa laga helay. Asalkeeduna waxu ka yimid dalka shiinaha. Koronafayraska wuxu leeyahay calamado ama astaamo lagu garto. Markaad isku aragtid astmaha waxaa loo bahanyahay inaad isa soo tijaabiso ama aad is karantiil gareyso. Calaamadaha korona fayras maxay yihiin, sideese lagu gartaa calamadaas si aay u badbaadisid ama u ilaalisid naftaada . Aastaamaha lagu garto cudurka koronafayras ayaa ka mid ah.
Maxaa kula haboon,Marka koronafayras lagaa helo
Riix halkan macluumaaad dheeri ahSid aad naftaada iyo dadka kale u badbaadsid waa inaad raacdaa talada dhakhaatiirta, khubarada caafimaadka, waaxda caafimaadka iyo saraakiisha caafimaad ay soo jeediyeen. Waa inaad sameesaa talaabooyinka.
Image source: Hennepin County
Astaamaha xanuunka COVID-19 ayaa u ekaan kara xanuunada kale ee carruurta ku dhaca. Astaamaha xanuunka carruurta ayaa ka duwanaan kara astaamaha dadka qaangaarka ah. Carruur badan ayaa wax xanuun ah ka qaadin fayriska. Haddii ilmo ama arday qabo wax astaamahaan ah, waxay noqon kartaa COVID-19::
qandho gaarsiisan 100.4 digrii Fahrenheitka ama ka badan; qufac cusub ama kasii daraaya; neefta oo dhibta/ku adkaata qofka; iyo luminta cusub ee urka iyo dhadhanka. Kuwaani waa astaamaha badanaa lagu arko carruurta laga helo COVID-19. Waxay noqon karaan astaamaha kaliya ee ay yeeshaan.
dhuun xanuun; matag; shuban; qarqaryo; murqo xanuun; daal xad dhaaf ah/dareemida daal badan; madax xanuun daran/aad u xun oo cusub; iyo caburka sanka oo cusub/diif ama biyo sanka ka socda. Xanuun kale oo badan oo carruurta ku dhaca ayaa leh astaamo kuwaas la mid ah.
Qaar kamid ah carruurta qaba COVID-19 ayaan lahyn wax astaamo ah. Hase yeeshee, wali way qaadsiin karaan caabuqa COVID-19 dadka kale, xataa haddii aysan lahayn wax astaamo ah.
Waxay qaadan kartaa labo ilaa 14 maalmood in qof uu yeesho astaamaha COVID-19 kadib markuu la joogay qof qaba fayraska. Tan waxaa loogu yeeraa mudada xanbaarista caabuqa. Dadka qaar ayaa yeesha astaamo fudud, dadka qaar ayaa aad u xanuunsada, halka qaar kalena oo qaba COVID-19 aysan gabi ahaanba dareemin wax xanuun ah. Qof aan lahayn astaamaha xanuunka ayaa wali faafin kara fayraska.
Mararka qaar way ku adag tahay waalidiinta inay ka fogaadaan dadka kale ee guriga kula nool ayna daryeelaan carruurtooda isla markaas. Haddii waalid jiran la joogo ilmaha, carruurtu waxay khatar ugu jiraan inay qaadaan caabuqa COVID-19 inta lagu jiro waqtiga oo dhan (ugu yaraan 10 maalmood) ee waalidku guriga go’doomin. Carruurtu waa inay guriga joogaan sida hoos lagu sharxay:
Go’doomin waxaa loo jeedaa in dadka xanuunsan laga fogeeyo dadka caafimaadka qaba. Tani waxay ka dhigan tahay inaysan ka qaybgelin shaqooyinka banaanka guriga. Qof jiran wuxuu joogayaa guriga wuxuuna iskudayayaa inuu ka fogaado dadka kale ee jooga gurigiisa sida ugu badan ee suuragalka ah. Halkaan ayaad ka helaysaa qaabab aad sidaan ku samaynayso guriga: